Booliska oo sheegay in dhammaan la xirayo waddooyinka galo dhismaha maxkamadda sare

0
535

Waxaa lagu wadaa in berri la xiro dhammaan waddooyinka gala maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee bartamaha magaalada Nairobi, iyadoo dalka uu sugayo inay go’aan ka soo saarto dacwaddii ka dhanka ahayd natiijadii xilka madaxtinimo ee uu gudbiyay ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.
Ogeysiis ku taariikheysan 3-da bisha Sagaaalad ee sanadkan, ayuu ku simaha abaanduulaha booliska dalka Nuur Gaaboow ku xusay in tallaabadan ay lagama maarmaan tahay si loo xaqiijiyo xasiloonida wadanka iyadoo la sugayo go’aanka maxkamadda.
Waxaa sidoo kale dadweynaha laga mamnuucay inay galaan dhismaha maxkamadda sare ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Nuur Gaabow oo sidoo kale ah ku xigeenka taliyaha booliska ee Kenya ayaa shacabka kula taliyay inaysan isugu imaan bannaanka dhismaha maxkamadda sare ama meelaha bulshada isugu timaado, islamarkaana go’aanka maxkamadda sare ay soo saari doonto kala socdaan warbaahinnada iyagoo guryahooda ku sugan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dalka heegan sare la geliyay, si loo xaqiijiyo xasiloonida guud ahaan wadanka.
Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa Kenyaanka ka codsatay in aysan ka safrin deegaanada haatan ay ku sugan yihiin.
Booliska ayaa dadweynaha u xaqiijiyay inay ilaalin doonaan badqabkooda iyo hantidooda.