Maxkamadda sare oo maanta billaabeyso dacwadda madaxtinimo ee uu gudbiyay Raila Odinga

0
508

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa si ku meel gaar ah u martigelin doonta fadhiyada maxkamadda sare ee Supreme Court inta lagu guda jiro dhageysiga 9 dacwadood ee looga soo horjeedo natiijadii xilka madaxtnimo oo uu 15-kii bishan ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati.
Toddobada garsoore ee maxkamadda sare ayaa isticmaali doonin dhismaha maxkamadda Supreme Court ee bartamaha magaalada Nairobi, iyagoo doonaya inay helaan meel ku filan sida loogu hoggaansamo xeerarka Covid-19.
Dhammaan codsiyada waxaa go’aamin doona 7-da garsoore ee maxkamadda sare, oo ay hoggaamineyso madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome.
Garsoorayaasha kale ayaa kala ah ku xigeenka madaxa cadaaladda Philomena Mwilu, madaxweyne ku xigeenka maxkamadda sare Njoki Ndung’u, Maxamad Ibraahim, Dr.Smokin Wanjala, Isaac Lenaola iyo William Ouko.