Dacwad uu Moses Kuria gudbiyay oo ka dhan ahayd Raila Odinga oo daaqadda la tuuray

0
341

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme ayaa daaqadda ka tuurtay codsiga madaxweynaha la doortay ee William Ruto ee ahaa in ururka qareenada dalka LSK laga mamnuuco in ay qayb ka noqdaan dhageysiga dacwadda la xiriirta natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo.
Waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay dacwadda uu gudbiyay xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu sidoo kalena ah hoggaamiyaha xisbiga Chama Cha Kazi, Moses Kuria.
Waxaa uu Moses Kuria horraan gudbiyay dacwad uu ku doonayay in ay maxkamadda sare daaqadda ka turto midda uu gudbiyay Raila Odinga ee uu uga soo horjeeday natiijadii ka soo baxday doorashadii xilka madaxtinimo.
Sidoo kale waxaa la diiday codsigii ahaa in shakhsiyaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC laga joojiyo inay ka qayb ahaadaan dacwadda maxkamadda.