Musharraxa xisbiga ODM ee xilka guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa, ayaa ku andacoonaya inay jirto laalush la siinayo codbixiyayaasha deegaannada kala duwan ee dowald deegaankaasi.
Waxaa uu ku eedeyay musharraxa loolanka adag kala dhexeya ee xisbiag ANC Cleophas Malala in uu codbixiyayaasha siinayo laalush si ay ugu codeeyaan.
Mr. Barasa ayaa sheegay inuu arrintan ku wargeliyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo laamaha ammaanka.
Ismaamulka Kakamega ayaa ka mid ah goobaha ay maanta ka billowdeen doorashooyin horraan dib loo dhigay.
Wararka intaasi ku daraya in codbixiyeyaal aad u tiro yar ay u soo baxeen u codeynta kursiga xilka barasaabka ee dowlad deegaanka Kakamega.