Mid ka mid ah dhallinyarada ugu caansan magaalada Gaalkacyo oo la dilay

0
489

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in mid ka mid ah ilaalada Huteellada ku yaalla halkaasi uu xalay dilay Wiil dhalliyaro ah.
Wiilka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhallinyarada ugu caansan magaalada Gaalkacyo.
Waxaa wiilka la dilay lagu Magacaabi jiray Cabdi Mahad Cabdullaahi Maxamad.
Goobjoogayaal ayaa sheegeen in wiilka uu ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaaj, hayeeshee dilka uu yimid ka dib markii ay wada murmeen Nin ilaalo ka hayay mid ka mid ah Huteellada Magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhowr xabadood ku dhuftay.
Wiilka Dhallinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in sidoo kale uu ka mid ahaa dhallinyarada sanadkan dhameysay dugsiga Sare, Islamarkaana ka qayb galay Imtixaankii ay qaadday Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.
Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ninkii dilka u gaystay Cabdi Mahad ay xireen Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi, iyada oo ehelkiisa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno Ninkaasi.