Ciidamada booliska ayaa xalay fiidkii qaaday tallaabo degdeg ah, ka dib markii ay ka hortageen dad looga shakiyay inay doonayeen in ay dab qabadsiiyaan hooyga rasmiga ee xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Ugenya ee ismaamulka Siaya David Ochieng.
Dadweynaha deegaanka Ugenya ayaa ka mudaaharaadayay go’aankii uu mudanahan ugu biiray isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu hoggaamiyo madaxweynaha la doortay William Ruto.
David Ochieng oo 9-kii bishan loo doortay xildhibaanka shacabka deegaanka Ugenya ku matali doono golaha qaran xeer dejinta, ayaa ku tartamay tigidhka xisbiga MDG oo xubin ka ahaa isbeheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Siaya, Michael Muchiri ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in baaritaanno ay bilaabeen.
Waxaa uu taliyaha xusay in arrinkan uu ku dhashay go’aanka uu mudanahan ugu biiray isbeheysiga Kenya kwanza.
Sidoo kale shalay ahayd markii shacab careysan ay burbur u gaysteen xafiiska sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta ee deegaanka Ugenya.
Dhanka kale, waxaa maalinkii saddexaad galay mudaaharaadyo looga soo horjeedo tallaabada uu qaaday xildhibaanka deegaanka Ugenya David Ochieng.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu hakad ku yimid dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka oo sita boorar ayaa waxay David Ochieng ugu baaqeen inuu ka tanaasulo kursiga deegaan baarlamaaneedka Ugenya ee dhawaan loo doortay maadaama uu ku biiray isbeheysiga Kenya Kwanza oo uu loolan adag kala dhexeeyay dhigiisa Azimio.
Waxaa ay sheegeen in deegaanka Ugenya ee isamaamulka Siaya uu yahay aag uu isbeheysiga Azimio awood ku leeyahay islamarkaana shacabka halkaasi ay si buuxda uga dambeeyaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Raila Amollo Odinga.
Qaar ka mid dadweynihii ka carooday go’aanka uu qaatay xildhibaanka, ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Booliska oo ka hortagay dad doonayay inay dab qabadsiiyaan guriga xildhibaanka deegaanka...