Mudaaharaadayaal lagu dilay Myanmar

0
800

Mudaaharaadyo kale oo looga soo horjeeda afgembigii militeri ee dalka Myanmar ayaa hal qof lagu toogtay halka shaksi kalena mindi lagu dilay.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo ergayga qaramada midoobay u ku booriyay in golaha amniga ay qaadaan tallaabo deg deg ah oo lagu soo celinayo dimuqraadiyadda dalkaas
Dibadbaxyada ka socdo dalka Myamnar ayaa si kordhaya waxana ilaa iyo hadda ku dhintay in ka badan 50 qof
Mandalay, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Myanmar, boqolaal qof ah oo shakhsiyaad injineero ah ayaa isugu soo baxay jidadka iyagoo ku dhawaaqaya ereyada ah “Sii daa hoggaamiyaheena” oo ay kala jeedaan hoggaamiyaha dowladda shacbiga ee Mynmar Aung San Suu Kyi, oo ay xireen militariga.