Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shegay in guddoomiye ku xigeenka guddigan Juliana Cherera iyo xulafada musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ay si sharci darro ah u doonayeen in guusha la siiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ama wareeg labaad la aado.
Waxaa uu Guuliye sheegay in agaasimaha fulinta ee xoghaynta isbeheysiga Azimio La Umoja Raphael Tuju, guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kitui Charity Ngilu, xeer ilaaliyihii hore ee Kenya sidoo kalena soo noqday senetarkii ugu horreeyay ee dowlad deegaanka Amos Wako, ay soo gaareen xarunta Bomas ee magaalada Nairobi saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada xila madaxtinimo ee uu ku guuleystay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto.
Prof. Guuliye ayaa xusay in shakhsiyaadkaasi ay guddiga IEBC u sheegeen inay dhexdhexaad noqdaan ayna ku dhawaaqaan in Raila Odinga uu guulaystay ama wareeg labaad oo doorasho la aado.
Waxaa uu tilmaamay in agaasimaha fulinta ee xoghaynta isbeheysiga Azimio La Umoja Raphael Tuju uu guddiga u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in natiijada la dhexdhexaadiyo oo uu ku guuleysto Raila Odinga, haddii ay suurtagal noqon weydana in la qabto wareeg labaad oo doorasho.
Mr. Guuliye ayaa intaasi ku daray in markii uu dhageystay Tuju iyo Wako uu guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu qaatay aragti ah in uu ixtiraamayo rabitaanka shacabka, uuna ku dhawaaqi doono natiijada ka soo baxday xarumaha codbixinta ee dhammaan ismaamullada dalka.
Home Wararka Kenya Prof.Cabdi Guuliye: Xulafada Raila waxay doonayeen in isaga lagu dhawaaqo ama wareeg...