Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmad Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mashaariicda horumarineyd ay ka fulineyso goobaha dadka deggan ay iska xoreeyeen ururka Al-Shabaab ee ku yaalla Gobollada wadankaasi.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dileen dadkii hoggaanka iyo hal doorka u ahaa dadka ku nool Gobolka Hiiraan, hayeeshee hadda ay haystaan fursad ay ugu aargudaan mas’uliyiiniitii ay ka dileen Ururka Al-Shabaab.
Wasiir Fiqi ayaa intaasi ku daray in bulshada ku nool Gobolka Hiiraan & guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal loogu qaadi lahaa Ururka Al-Shabaab, islamarkaana dadkii deegaannadooda ka saara dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamo deegaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo garab ka helaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo shuruud ku xirtay inay mashaariic ka fuliso dowlad goboleedyada