Mudanayaasha cusub ee dhawaan la doortay ee ku biiraya golaha qaran ee xeer dejinta dalka ayaa ku gacan seyray go’aan ka soo baxay maxkamadda sare ee Supreme Court ee ku aadan in sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta uu yahay mid sharci darro ah oo aan dastuuri ahayn.
Waxaa ay mudanayaasha ballanqaadeen inay hubin doonaan jiritaanka sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF Kenya.
Sharci dejiyaasha ayaa ka baaraan degaya dejinta sharci cusub haddii ay dhacdo in sanduuqa NGCDF loo arko mid aan dastuuri ahayn.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Westlands ee ismaamulka Nairobi, Tim Wanyonyi ayaa sheegay in sanduuqa horumarinta ee deegaannada uu yahay mid horumariya wadanka marka loo eego hannaanka dowlad wadaajinta ee ismaamullada.
Go’aan ay soo saartay madaxa cadaaladda wadanka Martha Koome, ayaa ahaa in maxkamada sare ay xukuntay in sharciga CDF-ta ee la ansaxiyay sanadkii 2013-kii, kaas oo xubnaha baarlamaanka u ogolaanayay inay maareeyaan lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada uu meel ka dhac ku yahay qaybinta dakhliga iyo sharciga guud ee maaliyadda.
Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay oggolaatay dhaqangelinta xeerka CDF-ta.
Sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta ayaa la aasaasay sanadkii 2003-dii, si ay ugu suurtagasho dowladda in ay meel dhigto ugu yaraan 2.5 boqolkiiba dakhligeeda caadiga ah oo ay u gudbiso dhanka sanduuqa horumarimta.