DHAGEYSO:Nuurdiin Xaaji oo sheegay in lala xisaabtami doono barasaabyadii ismaamullada ee xafiiska baneeyay

0
420

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa ballanqaaday inuu dabagal ku sameyn doona barasaabyadii ismaamullada ee shalay xafiiska baneeyay kuwaas oo lala xiriiriyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu sheegay inuu ku dadaali doono dib u soo celinta lacagaha ay lunsadeen mas’uuliyiintan.
Nuurdiin Xaaji oo shalay ka qaybgalay xafladda dhaarinta guddoomiyaha cusub ee la doortay ee ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac, ayuu sheegay in mas’uuliyiinta qaar ee xilalka banneeyay ay xatooyo la xiriirta ku takrifalka hantida dadweynaha ku kaceen inta ay xaafiiska joogeen.
Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in dowlad deegaanka Garissa ee uu ka soo jeedo, in malaayiin lacag ah oo loogu talagalay dadweynaha aan gacan lagu haynin ,islamarkaana dadka ku lugta leh lunsashada kheyraadka shacabka lala xisaabtamayo xitaa haddii ay xafiiska ka tageen.

Waxaa uu dhanka kale kula dardaarmay guddoomiyaasha cusub inay ku dadaalaan sidii ay shacabka ugu adeegi lahaayeen, islamarkaana ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan nolosha dadkooda shanta sano ee soo socota.
Ku dhawaad kala bar guddoomiyayaasha xafiiska baneeyay ayaa wajahaya dacwado la xiriira musuqmaasuq oo malaayiin lacag ah la dhacay, islamarkaana barasaabkii hore ee ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane uu ka mid yahay mas’uuliyiintii lala xiriiriyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.