Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne

0
244

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo si wayn loogu soo dhaweeyay.
Waxaa si wayn Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka iyo saraakiil ciidan.
Safarkaan oo ah kii ugu horreeyay ee Ra’iisul wasaaraha ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo deeegaanno badan oo gobolka Hiiraan ka socda.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xoojin doona ka warqabka xaaladda nololeed ee bulshada ku nool gobolka Hiiraan, oo ay aabaarta saameysay, iyada oo Xukuumadda ay sheegtay in ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.