Maxkamadda ismaamulka Kericho oo la xiray iyo sababta

0
721

Ku simaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu ayaa amar ku bixisay in si kumeel gaar ah loo xiro maxkamadda ismaamulka Kericho.
Waxaa arrinkan loo sababeeyay cilad dhanka dhismaha ee maxkamadda.
Bayaan ay xalay fiidkii soo saartay ayay ku sheegtay ku simaha madaxa cadaaladda in maxkamadda ay xirnaan doonto muddo laba toddobaad ah, si dayactir iyo dib uu hagaajin loogu sameeyo dhismaha maxkamadaasi.
Tallaabadan ayaa daba socota warbixin baaritaan oo loo gudbiyay waaxda garsoorka maalintii Arbacada ee toddobaadkii hore iyadoo tilmaamaysa in dhismaha si deg deg ah looga baxo si uusan u soo dumin islamarkaana aysan saameyn uga soo gaarin shaqaalaha ka howlgala dhismahaasi.
Warbixinta ayaa muujisay cilladaha dhismaha ee ka dhashay isbeddel lagu sameeyay dhismahaasi sanadkii 2014-kii.