DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ciribtirka gudniinka fircooniga uu awood siinayo gabdhaha

0
504

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciribtirka gudniinka fircooniga ah ee loo yaqaano (FGM) u fure u yahay in gabdhaha da’yarta ee ku nool Kenya awood loo siiyo inay si buuxda uga qayb qaatan horumarka wadanka.
Waxaa u sheegay in hadii aan dooneyno inaan ka mira dhalino yololkeyna waa inaan beddelno hab dhaqannada qaar islamarkaana aan gabdhaheena u fidinnaa fursado waxbarasho” ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Mr Kenyatta ayaa intaa ku daray in marka la eego dunida kale haweenku waxay hayaan xilal sare islamarkaana uusan dooneyn in Kenya ay ka harto dalalkaasi sababa la xiriira dhaqannada qaar ee bulshada Kenyaanka.
Hadalkan ayuu ka jeediyay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka degmada Kisima ee deegaanka Maralal ee ismaamulka Samburu halkaas oo uu goobjoog ka ahaa saxiixa odayaasha dowlad deegaankaasi oo lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah iyo guurka da’yarta aan qaangaarin.

Waxaa uu bulshada ismaamulkaasi ee ku dhaqma gudniinka fircooniga kula taliyay inay joojiyan hab dhaqameedkan islamarkaana ay raadiyaan dhaqanno kale oo looga gudbo.
Waxaa u sheegay in dowladda ay si buuxda uga go’an tahay joojinta gudniinka fircooniga ah si ay awood u siiso gabdhaha Kenyaanka ah inay ku noolaadaan nolol macno leh.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale bulshada ismaamulka Samburu kula taliyay inay siiyaan wiilashooda iyo gabdhahooda fursad siman ee dhanka tacliinta ah.
Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay wakillada golaha hoose ee ismaamulkaasi ee ansaxiinta hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu hal maalin howlo shaqo ugu sugnaa ismaamulka Samburu.