DHAGEYSO:Ruto:Codka doorasho waa la dhiibtay balse hoggaanka ay qabanaysa cidda uu Alle u qoro

0
511

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto ayaa kenyaanka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan oo ay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC fursad u siiyaan dhameystirka xaqiijinta codadkii la dhiibtay iyo shaacinta natiijada kama dambeyska ah.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay dhammaan kenyaanka ka qayb qaatay doorashadii guud isagoo u hambalyeeyay madaxda xisbiyada kala duwan ee tartanka ku soo baxay.
William Ruto ayaa ku taliyay in si nabad ah looga war sugo IEBC isagoo xusay in codka doorasho la dhiibto balse hoggaanka ay qabanaysa cidda uu Alle u qoro.