Raila Odinga oo ku baaqay ka shaqeynta nabadda

0
878

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa xilli uu maanta xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kaga qayb galay munaasabad ka dhacday kaniisadda ACK St. Francis waxaa uu kenyaanka ku boorriyay inay nabad galyada ku dadaalaan.
Mr. Odinga oo hadalkiisi ugu horreeyay jeediyay tan iyo doorashadii wadanka ka qabsoontay 9-kii bishan ayaa dadweynaha uga mahadceliyay ololaha siyaasadeed iyo doorashada si nabad ah ku dhacay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in geeddisocodka codeynta uu ahaa mid nabad ah sidaas awgeedna uu rajeynayo in xita natiijada ka dib ay Kenya xasilooni buuxda ka jirto.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in qaranka Kenya uu mid yahay oo la doonayo in marxaladda xigta ee siyaasadeed loo gudbo iyadoo ay jirto midnimo buuxda.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja ayaa rajo wanaagsan muujiyay iyadoo xaqiijinta natiijada madaxtinnimo ee ka soo baxday deegaannada kala duwan ee wadanka ay gabagabo ku dhowdahay.