In ka badan 8 qof oo u dhashay Israa’iil oo lagu dhaawacay Quddus

0
358

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan Siddeed qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Israa’iil in lagu dhaawacay magaalada Quddus ee dalka Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay bas lagu baakimay meel u dhow suuqa ganacsiga ee Western Mall.
Saraakiisha caafimaadka iyo booliska ayaa laga soo xigtay in labo ka mid ah dhaawaca ay liidato xaaladooda caafimaad.
Weerarka ayaa dhacay aroornimadii hore ee maanta waxaana laga gaystay meel u dhow macbad ay yuhuudu leedahay.
Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah haweeney uur leh oo da’deedu lagu sheegay 35 sano.
Wargeyskka Times of Israel ayaa ku soo warramaya in halkaasi laga soo tabiyay toogasho labaad waxaana goobta gaaray ciidamada booliska ee Israa’iil oo baaritaano dheeraad ah sameynaya.