Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay saraakiisha kormeerka ku sameynaya geeddisocodka doorasho ee wadanka.
Kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi waxayna kormeerayaasha ka warrameen waxyaabihii ay indha-indheyeen intii ay doorashadu socotay.
Kooxdan ayaa waxaa hoggaaminayay madaxweynihii hore ee wadanka Sierra Leone ,Ernest Bai Koroma.
Waxay hoggaamiyaha dalka u sheegeen in doorashada ay si guud ahayd mid daahfuran sidaas awgeedna dhammaan kormeerayaasha ay soo gudbiyeen warbixino wanaagsan.
Kormeerayaasha ayaa intaasi ku daray in nidaamyada doorashada iyo hay’adaha kala duwan ay u hoggaansameen xeerarka iyo dhaqamada caalamiga ah.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay wax badan oo tusaale wanaagsan u ah dimuqraadiyadda ay ka kororsadeen maareynta doorashada guud ee Kenya.
Kormeerayaasha ayaa tusaale u soo qaatay adeegsiga hannaanka tiknolojiyadeed iyo ilaalinta sharciga.
Sidoo kale waxay madaxweyne Kenya iyo si guud kenyaanka ku bogaadiyeen in codeynta ka hor uu dalka ka dhacay olole siyaasadeed oo nabad ah.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa kormeerayaasha uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen inay si dhow ula socdaan doorashada guud .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ku faanayo qaabkii nabadda ahaa ee loo sameeyay ololaha iyo codeynta taasoo hoos u dhigtay xasaradaha qabyaaladda ku saleysan.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inuu diiradda saarayo sidii lagu soo gabagabeyn lahaa geeddisocodka doorashada , xoojinta amniga iyo midnimada , sidoo kale wareejinta maamulka.
Waxaa kulanka ay kormeerayaasha doorashada warbixin ula wadaagayeen madaxweynaha dalka goob joog u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Ambasadoor Raychelle Omamo iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau.
1/3
President Uhuru Kenyatta on Saturday met a team of AU/ COMESA election observers at State House, Nairobi, who briefed him on their observations about the election process. pic.twitter.com/0tbzQ5FWfx— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 13, 2022
3/3
The election observers emphasized that they have learnt a lot from the elections in Kenya and will share the good example of real democracy, institutional credibility and upholding the rule of law to build the “Africa we want”.Read more: https://t.co/XniFOwjAM5 pic.twitter.com/GSDoh76i0M
— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 13, 2022