Banaanbixii ay ku baaqeen maalinka berrito ee midowga musharraxiinta Soomaaliya oo markale baaqday

0
691

Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansanaa in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Sababaha keenay in banaanbaxa dib loo dhigo ayaa  la xariira arrimo amni iyo xaaladda caafimaad ee waddankaasi ka jirta.
Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmad ahna guddoomiyaha midowga Musharraxiinta ee go’aankaas soo saaray ayaa sheegay in ay dib kasoo sheegi doonaan maalinta banaanbaxa.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay gaareen sidaas darteed aan lagu aamini karin xaaladda dalkaasi iyo ammaanka banaanbaxayasha.