IEBC oo xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas
Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Julianna Cherera ayaa xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer.
IEBC ayaa xaqiijisay inuu qorshuhu ahaa in lagu codeeyo ilaa 72 xarumood balse xalay qalalaase dhacay awgeed aynan taasi suurtagelin.
Waxay ay xustay in ciladda aysan dhankooda ahayn, hasa ahaate xaalad amni xalay laga soo tabiyay deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas.
Mrs. Julianna Cherera, ayaa dhanka kale sheegtay in doorashada deegaanka Ceeldaas dib loo dhigay, codbixintuna ay bilaaban doonto marka la xalliyo arrinta halkaasi ka taagan.
Mid ka mid ah shacabka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ayaa dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.