Maxkamadda Supreme Court oo soo saartay habraaca dhageysiga dacwadaha doorashada

0
502

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa shaaca ka qaadday siyaabaha loo mari doono dhageysiga dacwadaha ka soo bixi karo loolanka madaxtinnimo ee doorashada berri.
Cid kasta oo aan natiijada ku qancin waxay haysan doontaa muddo 7 cisho ah oo ay maxkamadda cabasho ugu gudbinaysa.
Muddadan ayaa ka billaabanaysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada sida ku qeexan qaybta labaad ee farqada 140-aad ee dastuurka dalka.
Madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ayaa maanta bayaan ku sheegtay in muddadan ay tahay mid aan laga wada xaajoon karin.
Bayaanka maxkamadda waxaa ku cad in qofka cabanaya uu haysto muddo 24 saacadood ah oo uu qofka cabashadaasi ka jawaabaya kula wadaagi karo warqadaha kiiska.
Intaasi ka dib dhinaca jawaabta looga fadhiya waxaa uu haysan doonaa afar maalmood oo uu uga falcelinaya dacwadda laga gudbiyay.
Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa laga doonaya inay 14 cisho gudahooda go’aan ku soo saarto.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Kenya ay taariikh dhigtay ka dib markii maxkamadda Supreme Court ay noqotay midii ugu horreysay ee qaaradda Afrika oo laashay natiijada doorasho madaxtinnimo.