Waxaa lagu soo warramayaa in afar sarkaal oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC shaqada laga joojiyay ka dib markii sida la sheegay ay si qorsoodi ah guri gaar ah kula kulmeen musharrax u tartamaya kursiga mid ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay.
Saraakiisha IEBC ee musharraxan la kulmay ayaa kala ahaa guddoomiye, laba guddoomiye ku xigeen iyo karaani oo u fadhigoodu yahay deegaanka Ndiwa ee dowlad deegaanka Homa Bay.
Waxaa ilaa iyo hadda caddeyn waxa ay kawada hadleen saraakiisha IEBC iyo siyaasigan.
Kulanka ayaa ka dhacay tuulada Riat, oo ku taalla deegaanka hoose ee Kanyikela ee deegaan baarlamaaneedka Ndiwa ee ismaamulka Homa Bay.
Dadka deegaanka oo carqaladeeyay kulanka la sheegay inuu u socday saraakiisha IEBC iyo musharraxa, ayaa arrinkan ku wargeliyay saldhigga booliska ee deegaanka Ndiwa.
Waxaa ay dadka deegaanka ku andacoodeen in saraakiisha guddiga doorashada ay qorsheynayeen in ay farageliyaan codeynta maalinta berri dalka ka dhaceyso.
Saraakiil kale oo IEBC ka tirsan oo goobta kulanka ka socday ku sugnaa ayay u suurtagashay in ay baxsadaan ka dib markii ay arkeen dad faro badan ee ku soo qulqulaya gurigii shirka uga socday.
Musharraxa xilka deegaan baarlamaaneedka Ndiwa ee ismaamulka Homa Bay Michael Agwanda, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka Wafula Chebukati inuu baaritaan ku sameeyo saraakiisha IEBC ee sida qorsoodiga ah ula kulmay musharrax xil u tartamayo.
Taliyaha booliska ee deegaanka Ndhiwa Paul Rioba, ayaa sheegay inay su’aalo waydiiyeen tuhmanayaasha, ayna u gudbiyeen guddiga IEBC si ay wax uga qabtaan arrintan, ayna saraakiishan ka qaadaan tallaabada ku habboon.