DHAGEYSO:Rw Xamse “Waxaa oggolahay in lala xisaabtamo xukuumaddeyda”

0
452

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay golaha shacabka ee maanta ansaxiyay golaha wasiirrada Cusub ee Xukuumaddiisa.
Xilli uu khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ka hor anasaxintooda ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay noqon doonto mid si wanaagsan ugu shaqeyso dalka iyo dadka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in uu wadashaqeyn wayn la yeelan doono Xildhibaannada, islamarkaana uu diyaar u yahay in Golaha Shacabka la xisaabtamaan Xukuumaddiisa.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Golaha Wasiirrada Cusub ee Soomaaliya ay xilalka si degdeg ah ula wareegaan maadaama laga sugayo shaqooyin culus, inay dalka ka saaraan xaaladaha abaareed iyo midda amni darro ee ka jirta.