DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab

0
458

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerer ku yihiin dhulka Puntland , gacanna siinayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku gaysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan ahayn khasaaro.
Wasiirka ayaa sheegay in xilligan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu u soo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro wakhti abaaro ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay billaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaqdhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku soo aadaya xilli shalay Somaliland ay gaysay Ciidamo farabadan degmada Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.