Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku amray inuu baaritaano ku sameeyo sida ay ku dhacday in codbixiyeyaal laga wareejiyay goobihii laga diiwaangeliyay ee deegaan baarlamaneedyada Balambala iyo Ceeldaas oo ka kala tirsan ismaamullada Garissa iyo Wajeer.
Arrintan ayuu shaaca uga qaaday warqad ku taariikhaysan 4-tii bishan oo uu u diray madaxa fulinta ee EACC ,Twalib Mbarak.
Qoraalka Nuurdiin waxaa ku cad in 5 ka mid ah saraakiisha guddiga doorashooyinka ee IEBC lala xiriiriyay inay si sharci darro ah codbixiyeyaal u wareejiyeen ama u diiwaangeliyeen.
Arrintan ayaa lagu ogaaday baaritaano hor dhac ah oo uu sameeyay guddiga doorashooyinka oo ka dib gal dacwadeedka u gudbiyay xafiiska DPP.
Nuurdiin Xaaji ayaa EACC ka dalbaday inay sameyso baaritaano qoto-dheer si eedeymahan lagu xaqiijiyo ka dibna tallaabada xigta loo qaado.
Bayaanka DPP waxaa ka mid ah in shakhsiyaadka la tuhunsan yahay inay qaladaadkan sameyeen ay kala yihiin Aadan Saalax oo horay Wajeer uga soo noqday sarkaalka tiknolojiyadda haatanna ka howlgalo Garissa ,Isaaq Muxumad ( oo ahaa maareyihii IEBC ee deegaanka Ceeldaas balse loo wareejiyay Ijara), Cabdullahi Musa Maxamad ( oo IEBC u qaabilsanaa Balambala oo la geeyay Waqooyiga Wajeer), Maxamad Macow Cabdi oo horay u soo noqday iskuduwihii doorashada ee deegaanka Balambala iyo maareeyaha howlaha doorashooyinka ee deegaankaasi Cali Nuur Xuseen.
Tallaabooyinka ay qaadeen saraakiisha la eedeynaya ayaa ka soo horjeeda qaybaha 3-aad iyo 6-aad ee xeerarka doorashooyinka ee sanadkii 2016-kii.
Guddiga IEBC ayaa bishii Shanaad ee sanadkan billaabay baaritaano ku aaddan inay jiraan codbixiyeyaal si aan sharci ahayn looga wareejiyay goobahooda codbixinta ka dib walaac uu muujiyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Bishii hore ayuu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka , Wafula Chebuati oo wareysi siinayay warbaahinta sheegay inay jiraan dembiyo noocani ah balse tiradu aynan gaarsiisnayn hal milyan sida uu xilligaasi ku andacooday Ruto.
The DPP has requested the @EACCKenya to investigate the alleged irregular and illegal transfer of voters in Wajir and Garissa counties.#HakiNaUsawa pic.twitter.com/hrKb9TKfTB
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) August 4, 2022