Waaxda dacwad soo oogidda wadanka ayaa xaqiijisay in fal dhac ah xalay laga gaystay hooyga rasmiga ee agaasimaha waaxdan Nuurdiin Xaaji kaas oo ku yaalla xaafadda Riverside ee magaalada Nairobi.
Waxay waaxdu shaaca ka qaadday in dhaca laga gaystay guriga mas’uulkan balse aan sidoo kale loo dhicin xafiiskiisa.
ODPP ayaa intaasi ku dartay inay socdaan baaritaanno arrintan ku saabsan
Qoraalka waxaa qayb ka ah in waaxdan aynan uruurin ama keydin caddeymo nooc waliba oo ay ahaadaan balse waajibaadkeedu ay tahay dacwad oogid keliya.
Sidoo kale waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inaysan dhacdada xalay siyaasadeyn.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen oo soo xiganaysa ciidamada booliska ayaa ku warramaysa in burcadda dhaca gaysatay ay hooyga ka soo galeen albaabka wayn ka hor inta aynan dhanka guriga u sii gudbin.
Ciidamada booliska ayaa intaasi ku daray inay hadda dabagal ku hayaan shakhsiyaadka falkan gaystay.
Laamaha ammaanka waxay sheegeen in hooyga Nuurdiin laga qaatay labo kombiyuutar oo ah Laptop-ka gaar ahaan nooca Apple , telefishin ballaciisu yahay 75-inch nooca Samsung , agabka lagu cayaaro ee Playstation oo Sony ah ,4 joog oo kabo noocyo kala duwan ah iyo labo boorso.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii falkan la fulinayay uunan agaasimaha dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji guriga ku sugnayn.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.
The DPP would like to clarify that there was a robbery at his RESIDENCE, not his OFFICE, & investigations are ongoing. The ODPP, as a Prosecuting Authority, doesn’t collect or store evidence of any nature. Members of the public & media are urged not to politicize this incident.
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) August 5, 2022
Police patrol DPP Noordin Haji's residence at Riverside, Nairobi after unknown assailants raided the home last night. The DPP was not at the residence during the break-in. pic.twitter.com/yiP9BmVQuL
— Citizen TV Kenya (@citizentvkenya) August 5, 2022