Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa ballanqaaday in hadii uu hoggaanka wadanka qabto uu maamulkiisa ku soo dari doono madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu olole siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka oo uu Mudavadi ka soo jeedo.
Waxaa uu Odinga sheegay in kastoo uu Mudavadi hadda taageerayo William Ruto, haddii uu ku guulaysto doorashada 9-ka bishan uu fursad shaqo ka siin doono maamulkiisa.
Raila Odinga iyo Musalia Mudavadi ayaa muddo saaxiibbo ku ahaa siyaasadda ka hor inta aynan ku kala tagin.