Ruto oo doonaya in madaxweynaha dalka uu wax ka qabto warqadaha naceybka ee lagu daadiyay Rift Valley

0
492

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka Uhuru Kenyatta iyo hay’adaha kale ee dowladda inay wax ka qabtaan faafinta warqadaha naceybka ah ee la sheegay in loogu handadayo shacabka ku nool qaybo ka mid ah gobolka Rift Valley.
Xilli uu maanta khudbad ka jeediyay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi, ayuu Ruto ku andacoodey inuu ka war helay in toddobaadkan gudihiisa warqado loo qaybiyay bulshooyinka ku nool qaybo ka mid ah gobolka Rift Valley, loogana digayo in halkaasi qalalaase ka dhici karo doorashada guud ka dib.
Waxaa uu xusay in warqadahaas naceybka ku suleysan looga dan leeyahay in ay argagax ku abuuraan bulshooyinka si looga hor istaago in codkooda dhiibtaan doorashada guud ee 9-ka bishan.
“Dadka faafinayay warqadahaasi xambaarsan farriimaha naceybka ah dowladda dhexe wey og tahay, ujeeddada warqadahaasina laga lahaa waa in dadka argagax lagu abuuro.” ayuu yiri ku xigeenka madaxweynaha dalka.
William Ruto ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hay’adaha kale ee ammaanka inay si degdeg ah arrintan wax uga qabtaan, isla markaana gacanta lagu soo dhigo dembiilayaasha arrinkan ku lugta leh, maadaama ay khatar ku yihiin xasiloonida wadanka.
Ruto ayaa dhanka kale ku eedeyay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka inuu ka warqabo shakhsiyaadka ku lugta leh faafinta warqadaha xambarsan farrimaha naceybka.
Ruto ayaa xusay in shakhsiyaadkan ay ku jiraan isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley iyo qaar ka mid guddomiyayaasha dowladda dhexe ku matala ismaamullada ku yaalla gobolkaasi.
“iskuduwaha ammanka ee gobolka Rift Valley Macallin Maxamad, guddoomiyaha dowlad dhexe ku matala ismaamulka Trans Nzoia Samson Ojwang dhigiisa Uasin Gishu Stephen Kihara iyo Erastus Mbui oo dowladda ku matala dowlad deegaanka Nakuru ayaa xilliyada habeenkii qabto shirar la doonaya in kenyaanka dhexdooda khilaaf laga dhex abuuro” ayuu yiri musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto
Hasa ahaate waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha dalka arrinkan uu ka warqabo balse uusan tallaabo qaadin.
“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha dalka, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu xaqiijiyo in dalka uu nabad yahay, islamarkaana uu ka hor istaago shakhsiyaadka qorsheynaya in dalka ay xasilooni darro u horseedaan” ayuu yiri William Ruto.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in agaasinka guud ee waaxda sirdoonka qaranka laga doonaya inay kenyaanka la wadaagaan waxa ka socdo dalka, si looga hor taggo in wadanka u galo jawi xasilooni darro.
Ruto ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay isha ku hayaan xiisadda siyaasadeed ee Kenya ka taagan.
Dhanka kale waxaa uu William Ruto sheegay in saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan maamulka oo ay ka mid yihiin guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda lagu qasbaya inay la saftaan isbeheysiga Azimio haddii kale in shaqada laga joojinaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dastuurka dalka iyo habdhaqanka shaqo ee saraakiisha dowladda aynan labaduba qeexin in mas’uuliyiintan ay qayb ka noqdaan howlo siyaasadeed.