Aqlabiyadda kenyaanka oo ku kalsoon IEBC

0
478

Ra’yi uruurin cusub oo ay sameysay shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool gudaha wadanka ay intooda badan ku kalsoon yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC.
Boqolkiiba 58 ee dadka lagu wareystay cilmi baaristan ayaa sheegay inay aad ugu kalsoon yihiin guddiga in sida habboon uu u maareyn doono doorashada guud ee 9-ka bishan.
Hasa ahaate boqolkiiba 10 ee dadka ka qayb qaatay darasaadkan waxay sheegeen inaysan wax kalsooni ah ku qabin guddiga halka boqolkiiba 9 ay aad ugu hooseyso ku kalsoonaanta IEBC.
Tani ayay micnaheedu tahay in marka la isku geeya dadweynaha ku kalsoon guddiga doorashooyinka ay tiradoodu u dhiganto boqolkiiba 74.