Nuurdiin Xaaji oo furay xafiis qaabilsan arrimaha isgaarsiinta ee doorashada guud

0
627

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa si rasmi ah u furay xafiis loo adeegsan doono in lagu wada xiriiro xilliga doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad.
Xaruntan ayaa isku xiri doonto saldhigyada booliska si loola socdo xaaladaha dhabta ah ee jira.
Waxaa goobtan galinkiiba ka howlgeli doono 8 qof.
Nuurdiin Xaaji ayaa hoosta ka xarriqay in xaruntan ay ka shaqeyn doonto in sida ugu dhaqsiyaha badan uu cadaalad u helo qof waliba oo cabasho soo gudbiya.
Waxaa uu intaasi ku daray in iyadoo ila wareedyo kala duwan oo ay warbaahintu ka mid tahay la adeegsanaya , subax waliba ay howlwadeenada macluumaad isweydaarsan doonaan.
Mr. Xaaji ayaa sheegay in xogaha ay yihiin kuwo u dhexeya saraakiisha dacwad oogidda iyo booliska , macluumaadka qaar waxaa laga helaya dadweynaha halka sidoo kale saxaafaddana si dhow loola soconaya.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan cusub uu fududeyn doono in ciidamada ammaanka ay guda galaan ama dardargeliyaan baaritaannada la xiriira falal dambiyeedyada la soo tabiyo si loola tacaalo.
Waxaa uu intaasi ku daray in macluumaadka la helo loo adeegsan doono qaadashada go’aammada shakhsiyaadka lagu soo oogaya dacwadaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tani ay ka qayb qaadan doonto in Kenya ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo madax bannaan.
Nuurdiin Xaaji ayaa ayaa laga soo xigtay in waaxda uu hoggaamiyo ay si buuxda ugu diyaar garowday maareynta kiiska ka dhalan karo codeynta guud.
Isagoo arrintan faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya ayuu xusay in guud ahaan wadanka lagu tababaray in ka badan 200 oo dacwad oogayaal ah iyo hay’ado kale sida booliska , maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA iyo waaxyo kale.
Dhanka kale Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inuu guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu ka codsaday inay u soo gudbiyaan gal dacwadeed ku saabsan siyaasiyiin la sheegay inay ololahooda u adeegsanayaan kheyraadka dowladda.
Tallaabada lagu furay xafiiska cusub ee isgaarsiinta ayaa waxaa soo dhaweeyay ururrada bulshada oo sheegay inuu door wayn ka qaadan doono isla xisaabtanka xilliga codeynta iyo marka laga gudbo ka dib.