Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha, ayaa raaligelin ka bixiyay dugsiyada wadanka ee xilli hore si ku meel gaar ah loo xiray.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo qaar ka mid ah waalidiinta iyo macallimiinta dalka ay walaac ka muujiyeen in aan la siin fursad ku filan oo ay ugu diyaar garoobaan xiritaanka dugsiyada ka hor codeynta guud.
Hasa ahaate wasiiirka ayaa xilli uu maanta ku sugnaa dugsiga sare ee Umoja ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasian Gishu, ka dib markii uu xarigga ka jaray fasallada loogu talagalay manjahka waxbarashada ee CBC ayuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu xaqiijinayo diyaargarowga hore ee doorashada guud, maadaama goobaha tacliinta ay ka mid yihiin meelaha lagu qabanayo doorashada guud .
Magoha ayaa xusay in uu tixgelinayo badqabka carruurta gaar ahaan xilligan kala guurka.
Shalay ayay ahayd markii dugsiyada si ku meel gaar ah loo xiray ka dib amar uu soo wasiirka waxbarashada.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka dib wadatashiyo la sameeyay si loogu diyaar garoobo doorasho guud ee dalka ka dhaceysa 9-ka August.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in goobaha tacliinta dib loo furi doono 11-ka bishan, xilligaasi oo ay ardayda ka soo laabanayaan fasax gaabaan.
EDUCATION Cabinet Secretary Prof. George Magoha clarifies the government's directive on early closure of Basic Education Institutions across the country. pic.twitter.com/lcVHc7AQZw
— EduMinKenya (@EduMinKenya) August 3, 2022