Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo digniin soo saartay

0
611

Safaaradda Maraykanka ee dalka ayaa soo saartay digniin ay u dirayso muwaadiniinteeda taasoo ku aaddan doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad.
Waxaa qoraalka ku cad in Kenya horay looga diiwaangeliyay rabshado ka hor inta aynan doorashadu dhicin iyo marka ay socoto labaduba.
Safaaradda ayaa sheegtay in iyadoo taxaddar muujinaysa ay soo rogtay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah oo saameynaya howlwadeenadeeda gaar ahaan inaysan tagin ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa shacabkeeda xusuusisay inay aad u feejignaadaan oo ay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga, inaysan tagin meelaha lagu badan yahay ,inaynan ka qayb qaadan dibadbaxyada oo ay ka warqabaan waxyaabaha ka jiro hareerahooda.
Muwaadiniinta Maraykanka ee ku nool Kenya ayaa sidoo kale lagula taliyay inay digtoonaadaan amar ay galayaan bangiyada iyo goobaha lacagaha lagala baxo ee ATMs, in ay dib u eegis ku sameyaan qorshahooda badqabka shakhsiyeed, sidoo kale inay cusbooneysiistaan dokumeentiyada socdaalka oo ay mar kasta sitaan warqadaha lagu aqoonsan karo.