Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in lacag dhan 500 oo milyan oo shilin loo qoondeeyay bixinta deymaha lagu leeyahay warshadda soo saarta sokorta ee Nzoia Sugar Factory.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maalinka Axadda ay dib u billaaban doonaan howlaha wax soo saarka ee warshadda oo uu hakad ku yimid dhaqaale yari awgeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in lacagtan la siinaya beeralayda warshaddaasi geeyay qasabka iyo shaqaalaha aan in muddo ah mushaaraad la siin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Bungoma wasiirka wasaaradda beeraha Peter Munya ku amray inuu xaqiijiyo in ugu dambeyn Jimcada 450 milyan oo shilin la siiyo beeralayda ay lacagaha ka maqan yihiin halka 50 milyan la siinaya howlwadeennada warshadda sokorta ee Nzoia.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay horay u bixisay lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin taasoo loogu talagalay warshadda Nzoia balse hantidaasi la musuqmaasuqay.
1/4
The Nzoia Sugar Factory is set to resume production this coming Sunday following President Uhuru Kenyatta’s announcement of Kshs 500 million bailout to offset arrears owed to farmers and workers. pic.twitter.com/nTqpYHRxaQ— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 2, 2022
4/4
President Kenyatta emphasized that his administration has been working to empower sugarcane farmers but some leaders charged with that responsibility sabotaged the Government’s efforts by crippling the operations of the sugar sector.Read more: https://t.co/AxOkUPA7F4 pic.twitter.com/ts4OR81AKZ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 2, 2022