Saraakiisha ka tirsan waaxda baaritaannada ku sameysa dembiyada culus ayaa magaalada Maua ee ismaamulka Meru ku xiray Cabdi Xuseen Axmad oo ku magacdheer Abu Khadi.
Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa bayaan ku sheegtay in ninkan uu gudaha wadanka iyo Maraykanka uga eedeysan yahay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta.
Waxaa lagu soo qabtay howlgal ay xilli hore ciidamadu ka sameeyeen guri uu ka ijaartay Maua.
Cabdi Xuseen ayay dowladda Maraykanka sheegtay inuu ku lug lahaa ugaarsiga in ka badan 35 wiyil ah iyo ugu yaraan 100 maroodi.
Xukuumadda Washingon ayaa horay cidii soo gudbisa xog fududeyn karto in la xiro u ballanqaaday abaal marin lacageed oo dhan hal milyan oo doolar.
Labo bilood ka hor ayay ahayd markii Badru Cabdulcasiis Saalax oo asna ku eedeysnaa ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta lagu qabtay magaalada Liboi ee ismaamulka Garissa.
SECOND FUGITIVE ON MOST WANTED LIST OF U.S & KENYAN AUTHORITIES ARRESTED
Detectives drawn from the Serious Crimes unit have today arrested Abdi Hussein Ahmed alias Abu Khadi, a suspect wanted in the United States, for wildlife and drug trafficking. pic.twitter.com/zlBg6Sh9vp
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) August 2, 2022
Cybercrime Unit. Assistant United States Attorneys Sagar K. Ravi and Jarrod L. Schaeffer are in charge of the prosecution.
We continue to thank the public for partnering with us in the fight against crime— DCI KENYA (@DCI_Kenya) August 2, 2022