Guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka oo la kulantay madaxweynaha Taiwan

0
335

Guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ayaa kulan la qaadatay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.
Waxay sheegtay in xukuumadda Washington ay aad muhiim ugu tahay inay garab istaag u muujiso jasiiraddan.
Taiwan ayaa waxaa ka jiro maamul madax bannaan in kastoo dowladda Shiinaha ay weli sheeganayso in jasiiraddan ay ka mid tahay dhul-weynaha xukuumadda Beijing sidaas awgeedna halkaasi laga maamulo.
Socdaalka ay Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu dhigiisa Maraykanak Joe Biden uga digay inuu farageliyo siyaasadda ay ku maamulaan Taiwan.
Nancy Pelosi ayaa maamulka iyo shacabka Taiwan u ballanqaaday taageero joogto ah.
Waxay sheegtay in dowladda Maraykanka ay ku faanaysa saaxiibtinnimada kala dhexeysa Taiwan oo ayna ka go’an tahay inuu sii jiro xiriirka ay wadagaan.