Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay golaha wasiirrada

0
512

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay liiska golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa oo uu ugu magac daray “Xukuumadda Dan Qaran”.
Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ku jira wasiirka awqaafta iyo diinta Mukhtaar Roobow, oo horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo bar u xirnaa dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii 2018-kii.
Roobow ayaa waxaa xilligaasi laga soo xiray magaalada Baydhaba ka dib markii dawladda Soomaaliya ay ka hor istaagtay inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Xiritaankiisa ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal keenay inay magaalada Baydhaba ay ku dhintaan dad ka badan toban qof.
Roobow ayaa isku soo dhiibay dawladdii hore bishii Siddeedaad ee sanadkii 2017-kii.
Mukhtaar Roobow ayaa Maraykanku xayiraaddii uu saaray ka qaaday bishii Juun 2017-ka.
Wasiirrada kale ee la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah; Senatar Saalax Axmad Jaamac oo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya, halka Maxamuud Doodishe loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.
Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay Axmad Macallin Fiqi halka Gaashnaadhigga dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamad Nuur.
Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Abshir Cukar Haruuse loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa isna loo magacaabay wasiirka qorsheynta.
Liiska xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:
1- Saalax Axmad Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmad Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamad Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamad Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamad, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmad Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmad Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimilada.B