William Ruto oo ku baaqay in si wayn looga qayb qaato codeynta

0
588

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay inay si wayn ugu soo baxaan codeynta guud ee 9-ka bishan Siddeedaad.
Xilli uu ka qayb galay munaasabad duco ah oo lagu qabtay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayuu baaqan diray.
Waxaa uu sheegay in dadweynaha oo si buuxda u codeeya ay suurtagelinayso in shacabka ay doortaan madaxda ay door-bidayaan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in qofkii aan doorashada ka qayb gelin looga baahnayn inuu dib ka calaacalo haddii ay loolanka ku soo baxaan madax uunan ku qanacsanayn waxqabadkooda.