Maraykanka oo sheegay inuu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida

0
412

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbad gaar ah oo uu jeediyay ka sheegay in weerar ay ka fuliyeen gudaha dalka Afghanistan looga takhalusay madaxii kooxda Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri .
Waxaa uu Biden hoosta ka xarriiqay in duqeynta loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ay gaysatay laanta sirdoonka xukuumadda Washington ee CIA-da.
Al-Zawahiri ayaa la dilay Axaddii waxaana tani lagu tilmaamay dharbaaxadii ugu waynayd ee soo gaartay Al-Qaacida ka dib dilkii Osama Bin Laden ee sanadkii 2011.
Sirdoonka Maraykanka ayaa horraantii sanadkan ogaaday in qoyska al-Zawahiri ay ku sugan yihiin caasimadda Afghanistan ee Kabul.
Hasa ahaate madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerarka ninkan lagu dilay aynan ku nafwayn xubnaha qoyskiisa ama dad shacab ah.
Maraykanka ayaa horay u ballanqaaday inuu 25 milyan oo doolar oo abaalmarin ah siin doono cidii soo gudbisa xog ku saabsan Ayman Al-Zawahiri oo uu ku eedeyay inuu soo abaabulay weerarradii mataanaha ahaa ee 11-kii bishii Sagalaad ee sanadkii 2001-kii lagu qaaday Maraykanka ee lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux.