Maxbuus ka baxsaday saldhigga booliska Industrial Area ee Nairobi oo la raadinaya

0
503

Laamaha ammaanka ayaa billaabay baadigoobka maxbuus ka baxsaday saldhigga booliska ee Industrial Area ee magaalada Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay inay ku raad joogaan shakhsiga baxsaday abaare 5-tii subaxnimo ee maalinkii Arbacada ee toddobaadkii hore.
Mid ka mid ah saraakiisha ka howlgala saldhigga booliska ee Industrial Area ayaa eedeysanaha baxsaday u ogolaaday inuu ku soo qabeysto meel u dhow darbiga saldhiggaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga uu sidoo kale howlo kale ku mashquulay taas oo u suura gelisay maxbuuska inuu baxsado.
Qoraalka ka soo baxay waaxda DCI-da ayaa eedeysanaha baxsaday da’adiisa lagu sheegay 19 sano jir lagu magacaabo Erickson Khata.
Waxaa uu wajahayay kiis la xiriira faraxumeyn, iyadoo maalinkii uu baxsaday lagu waday in maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi la soo taago.
19-kii bishii hore ayay ahayd markii eedeysanahan la xiray, isagoo xilligaasi ka soo muuqday maxkamadda Madaraka ka dib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta faraxumeyn uu gaystay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto eedeysanaha baxsadka ah ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203.