Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay sababtii keentay inuu fashilmo shirkii kala dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.
Rooble waxaa uu tilmaamay in qoddobadii laga wadahadlay qaarkood la isku fahmay marka laga reebo qoddobka ku saabsan in Midowga Musharaxiinta qayb ka noqdaan hanaanka doorashooyinka dalka.
Waxaa kaloo uu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu sii waddo wadahalada si loo gaaro heshiis midhodhal ah.
Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shirka kadib xalay Xilli danbe warbaahinta la hadlay
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay fashilka ku yimid shirkii kala dhaxeeyay musharaxiinta