IEBC oo shaacisay natiijada doorashooyinkii ku celiska ahaa ee shalay

0
610

Musharraxa xisbiga Ford Kenya , Majimbo Kalasinga ayaa ku guulaystay kursiga deegaanka Kabuchai ee ismaamulka Bungoma ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee shalay la qabtay.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in Majimbo uu helay 19, 274 oo ka mid ah codadkii ay shacabku dhiibteen.
Sarkaalka IEBC u qaabilsanaa maareynta doorashada deegaan baarlamaneedka Kabuchai, Benson Esuza ayaa saaka ku dhawaaqay in Evans Kakai oo matalayay xisbiga UDA uu soo galay nambarka labaad marka la eego codadka uu helay oo ah 6,455 .
Loolanka siyaasadeed ee deegaankaas waxaa ka qayb galay sideed musharrax oo 6 ka mid ah ay xisbiyo matalayeen halka labada kalena ay si madax banaan u tartamayeen.
IEBC ayaa sheegtay in tirada codbixiyayaasha ee shalay u soo baxay in ay codkooda dhiibtaan ay ahayd boqolkiiba 51.68 halka tirada guud ee codbixiyayaasha laga diiwaangeliyay Kabuchai ay tahay 57,654 qof.
Dhanka kale Mr .Anthony Nzuki oo ka tirsan xisbiga UDA ayaa ku guulaystay kursiga wakiilka deegaanka hoose ee London ee ismaamulka Nakuru ka dib markii uu helay codad dhan 1,707 halka Francis Njoroge oo matalayay Jubilee uu soo hooyay 1385 oo codad ah.