Waxaa xilka taliyaha ciidamada qalabka sida ee wadanka loo dhaariyay Peter Njiru iyadoo xafladdan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada dalka ee State House uu goob joog u ahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa sidoo kale xafladda dhaarinta ka qayb galay saraakiil uu hoggaaminayay taliyaha guud ee ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF-ta Robert Kibochi.
Munaasabadda oo uu maamulayay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka difaaca ee dalka Eugene Wamalwa iyo dhigiisa maaliyadda Ukur Yatani .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyay taliyaha sare ee militariga ee xilkiisa loo dhaariyay isagoo u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Peter Njiru ayaa beddelay Walter Koipaton oo howlgab noqday kadib afar sano oo uu jagadan hayay.
1/4
President Uhuru Kenyatta on Wednesday morning witnessed the swearing-in of the newly appointed Kenya Army Commander, Lt. General Peter Mbogo Njiru. @kdfinfo pic.twitter.com/e0H2o82ASz— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 27, 2022
4/4
The event also doubled up as the investiture ceremony for the recently promoted Brigadier Zipporah Kalondu Kioko and Brigadier Alice Muringo Mate.President Kenyatta commended the newly promoted KDF senior officers and wished them success in their new positions. pic.twitter.com/Dc7Os0zn5N
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 27, 2022