Maxkamadda shaqaalaha oo dib u howlgelisay maamule ku xigeenka KU

0
380

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa amar ku bixisay in maamule ku xigeenkii Jaamacadda Kenyatta , Prof. Paul Wainaina ee shaqada laga joojiyay uu xafiiska dib ugu laabto.
Amarkan ayaa shaqeynaya ilaa iyo inta maxkamadda ay ka dhageysanayso oo ay go’aan ka gaarayso dacwad looga soo horjeedo tallaabadii shaqada looga eryay mas’uulkan.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Jacob Gakeri .
Xaakinka ayaa amar ku bixiyay in aan la shaacin in xilka maamule ku xigeenka Jaamacadda Kenyatta uu yahay mid bannaan sidoo kalena in aan la faragelin mushaarka Prof.Paul Wainaina.
Maamule ku xigeenka ayaa kiiska uu maxkamadda geeyay ku codsaday in xilkii laga qaaday aan qof kale loo magacaabin.
Bishan gudaheeda ayay ahayd markii madaxa waaxda shaqaalaha ee dalka Joseph Kinyua uu labo warqadood u qoray Paul Wainaina isagoo ka dalbanaya inuu wareejiyo sabarloogada dhulka Jaamacadda Kenyatta wasaaradda dhulalka iyo qorsheynta ay ula wareegto qayb ka mid ah dhulkaasi.
Hasa ahaate Paul Wainaina ayaa taasi ku gacan seyray waxaana si ku meel gaar ah looga joojiyay shaqada iyadoo golaha jaamacadda la kala diray.
Maamule ku xigeenka jaamacadda oo uu matalaya qareenkiisa
Manwa Hosea ayaa maxkamadda weydiistay inay hor istaagto dhaqangelinta amarkii Kinyua isagoo ku doodaya in shaqo ka tiridda maamule ku xigeenka ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee golaha jaamacadda.