Qandaraasyada dowladda oo dadweynaha lala wadaagi doono hadii uu Ruto hoggaanka qabto

0
302

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinnimo ee doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa xalay sameeyay ballanqaad ku aaddan bixinta qandaraasyada.
Waxaa uu xusay in hadii uu talada dalka la wareego uu shacabka u soo bandhigi doono macluumaadka ku saabsan heshiisyada ay dowladda dhexe la gasho waddamada kale iyo hay’adaha .
Waxaa uu ku celceliyay in tani ay tahay arrin dastuuri ah oo aan la dhaqangelin.
William Ruto ayaa aaminsan in xogaha qandaraasyada dowladda oo la shaaciyo ay sare u qaadaysa isla xisaabtanka si gaar ah deymaha shisheeye ee ay dowladdu qaadato.
Hoggaamiyaha UDA ayaa ku celceliyay in kenyaanka ay xaq u leeyihiin inay arrimahan ka war qabaan oo aynan jirin sabab looga daboolo.