19 ka mid ah ciidamada Colombia oo loo haysto dilal ay gaysteen

0
259

Guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrimaha nabadda ee dalka Colombia ayaa baaritaano ku haya 19 ka mid ah ciidamada militariga ee wadankaasi.
Askarta ayaa loo haystaa dembiyo ah inay gaysteen dilal gaaraya 300 .
Dembiyada dagaal ayaa dhacay muddo 10 sano gudahood ah oo ay dagaallo ka jireen Colombia .
Falal liddi ku ah xuquuqul aadanaha ayaa intii u dhexeysay 2005 ilaa 2008-dii lagula kacay dad shacab u badnaa oo 303 ka mid ah la dilay.
Guddiga (JEP) ayaa sheegay inuu uruuriyay caddeymo wax ku ool ah oo dacwad lagu soo oogi karo saraakiisha la tuhunsan yahay.