In ka badan 5 dibadbaxayaal ah oo lagu dilay DRC

0
324

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhacay magaalada Goma ee gobolka North Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqradiga Congo , DRC.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay 50 qof oo kale iyadoo mudaharaadyada ka dhanka ah Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ay galeen maalinkii labaad.
Afhayeenka dowladda DRC Patrick Muyaya ayaa qoraal uu maanta soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay inay xaaladda si dhow ula socdaan oo ay dib faahfaahino dheeraad ah ka bixin doonaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay qiimeyn doonaan geeddisocodka wadankaasi looga saaraya howlgalka nabadsugidda ee MONUSCO oo billowday.
Dadweynaha ayaa dibadbaxyada ku muujinaya sida ay uga xun yihiin in howlgalka nabadsugidda ee qaramada midoobay ee dalka DRC uunan la tacaalin kooxaha hubeysan waxayna dalbanayaan in ciidamada UN-ta ay dalkaasi iskaga baxaan.