DHAGEYSO:Xoghayaha arrimaha gudaha oo guddoomiye xaafadeedyada uga digay arrimaha siyaasadda

0
538

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe oo ay ka mid yihiin guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda uga digay inay ku lug lahaadaan arrimaha siyaasadda.
Waxaa uu ku boorriyay inay xoogga saaraan shaqooyinka ay dadweynaha u hayaan ee ay ku matalaan dowladda.
Karanja Kibicho ayaa dhanka kale siyaasiyiinta ka codsaday inaynan qaab xaqiraad ah ula dhaqmin guddoomiye xaafadeedyada.
Waxaa uu si gaar ah u magac dhaway ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ,Rigathi Gachagua.
Xoghayaha oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ayaa dhanka kale xaqiijiyay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhici doonto doorasho nabad ah.