Madaxweynaha dalka oo maanta Nakuru xariga uga jaraya mashaariic horumarineed

0
503

Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa la filaya inuu maanta gaaro ismaamulka Nakuru si uu halkaasi uga daahfuro mashaariic horumarineed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in si wayn loo adkeeyay amniga dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu dhagax dhigi doonaa ilaa 6 warshadood oo ay hirgelinayso shirkadda warshadaha ee Turkish Industry Holding.
Warshadahan ayaa la rajeynaya inay fursado shaqo ka helaan 2,800 qof oo ku nool magaalada Naivasha.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ka dib xariga ka jari doono mashruuca biyaha ee Naivasha Industrial Park Water Project oo biyo u qaybin doonto warshadaha iyo in ka badan 50,000 oo qof oo ku nool Maai Mahiu iyo Longonot .
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale daahfuri doono xarunta tareennada ee Nakuru Railway Station oo dib u dhis lagu sameeyay.