EACC oo baaraysa hantida sarkaal ka tirsan KeRRA

0
356

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa guda galay baaritaano ku saabsan hantida mid ka mid ah xisaabiyeyaasha maamulka waddooyinka magaalooyinka ee (KeRRA).
Hantida dabagalka lagu hayo ayaa qiimaheedu lagu sheegay ugu yaraan 100 milyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay inay si gaar ah u eegayso hanti gaaraysa ilaa 13 oo ay leedahay Esther Wanjiru Chege.
Guddiga ayaa qabo tuhun ah in dhaqaalahan lagu helay qaab musuqmaasuq ah.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa xannibtay akoonka bangiyeed ee haweeneydan ka dib markii tan iyo bishii koowaad ee sanadkii 2016-kii , laga dareemay dhaqdhaqaaq maaliyadeed oo ah 26.4 milyan oo shilin.