Madaxweyne Ku xigenka William Ruto ayaa sheegay inaysan jirin deg degsiino dastuurka wax looga badalayo.
Waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee hoggamiyasha uu yahay inay taageero u muujiyaan Shacabka Kenyanka saboolka ah.
Madaxweyne Ku xigeenka aya xusay in malayiin qof ay la daala dhacayaan caqabadaha dhanka dhaqaalaha taasi oo xanunka COVID-19 kaga sii daray.
Mr. Ruto ayaa u xaqiijiyay Kenyanka inuusan ka qayb ahaan doonin loolan ka qaybin kara shacabka.
Hoggamiyaha labaad ee dalka ayaa intaa ku daray inaan loo baahnayn loolan ku saabsan aftida la doonayo in dalka laga qabto ee hindisaha BBI oo ay ila hada ansixiyaan 42 ismaamul.
Wuxu ugu yeeray sharci dejiyaasha inay ka doodaan oo ka saaran qodobada muranka dhalin kara ama dhaliyay eek u xusan warbixinta BBI.
Ruto yaa ku sugna galbeedka Narok ee ismamaulka Narok. Waxa la wehlinaye Hoggamiyaal ay ka mid tahay guddomiyaha ku xigeenka Narok Evalyn Aruasa, Kipchumba Murkomen Senterka Ismamaulka Elgeyo Marakwet, Guddomiyihi hore ee ismaamulka Bomet Isaac Rutto.